var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faallo: “Nimanyahow sifaalaha aduun sebenba waa cayne”

“Nimanyahow sifaalaha aduun sebenba waa cayne”
Wakhti walbaa waxaa uu la yimaadaa faa,iidadiisa iyo dhibtiisa. Jiil walbaana waxaa soo foodsaara arrimo kala duwan oo la doonaayo in xal loo helo ama laga faa,iideysto.

Wakhtigaan aynu ku jiro waxaa wadamada aduunka badankood heer sare ka gaareen isticmaalka aaladaha isgaarsiinta ee Internetka. Meesha akhbaarta lagu kala qaato, lagu showro, lagu doodo, lagu sheekeeyo, lagu kaftamo, lagu haasaawo, wakhtiga firaaqada ah la geliyo waxaa ay noqotay aaladaha casriga ah sida kombiyuurada, taleefoonada iyo guud ahaan baraha bulshada ( Sociala media).

Waxaa arrimahaan ka dhashay dhibaatooyin badan oo ay ugu weyn tahay dhumitaanka xiriirkii caadiga ahaa ee laba qof oo is-horfadhiya oo wadasheekeysanaaya. Waxaa dhumay kulamadii fiidsiga ahaa eee qoysaska. Hooyo,aabe, iyo caruur waxaa lagu wadajiraa aaladahaas casriga ah. Qof walbaa aduunyo kale iyo dad kale ayuu ku mashquulsan yahay.

Waxaa dhacda inaan qoyskuba isla hadlin iyagoo guriga wada degan. Ama ayba iyagoo hal guri wadajooga ku wada hadlaan aaladahaas aan kor kusoo sheegnay. Culimada arrimaha bulshada ku xeeldheer waxaa ay leeyihiin in haddii aan arrinkaan wax laga qaban ay iman karto in guud ahaanba xiriirkii jacaylka ku dhisnaa ee qoysku uu gebi ahaanba meesha ka baxo.

Waxaa kaloo imaan kara in aadanuhu dhamaanba uu joojiyo kulamadii iyo wadasheekeysigii cadiga ahaa. Haddaba cilmibaarayaal reer skandanefiyaanka ah ayaa waxaa ay soo jeediyeen in maalmaha fasaxa ah sida sabtiga iyo axada, gebi ahaanba internetka iyo aadaladaha kale ee lagu xiriiro laga saaro hawada si bani,aadamku si fool-ka fool ah u wada hadalaan.
Asxaabtayda soomaaliya ku sugan iyo meelaha kale ee dunida! Bal ka warama fikirkaan? dhibtaan la sheegay ma haysaan?

W/Q: Abdirisaq Hussein

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: