var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faallo: Maxaa keenay in Kenya ay sidan u soo dhowayso madaxwayne Farmaajo

Dawlada kenya iyo madaxdooda ayaa subaxnimadii maanta ee Khamiista soo dhaweeyn rasmi ah iyo sharfid u sameeyey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay Booqasho ku tegey Kenya.

Xafladda soo dhaweynta oo siweyn loo soodiyaariyey ayaa waxay ka dhacdey Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa loo ridey 21 madfac, waxaana loo garaacey heesta calanka Soomaaliya isaga oo salaan sharaf ka qaatey ciidanka bambeyda Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa xafladda kadib wada qaatey kulan ay uga hadlayaan xiriirka labada dal. Iyo siyaasada dawladaha IGAD oo waqtiga abaar xun ka jirto .

wadanka kenya ayaa waxaa ku nool Qaxooti baden oo labada dawlada dhawr jeer kawada hadleen Dawlada kenya ayaa doonaysa inay Qaxootiga lagu celiyo wadan kooda soomaaliya

Waxaan Go’aan sadey inaan Fanqeeyo maxay tahay Danta sida gaarka ah Dawlada keniya u daneeneyso Hogaanka madaxweyne Farmaajo.

maxaa keenay in ay waqtiga kenyo iyo hogaanka madaxweyne uhuru kenyata si way u soo dhaweeyaan madaxweyne Farmaajo. Waxaa jira wax iska caadiya oo dawladuhu istic maalan Taas oo ah in dawladkasta xiriir wanaag sen la yeelato shaqsiga ay u aragto in uu danteedu jirto inay xiriir fiican la yeelayo.

Waxaa sharaxayaa Qodobada ay kenya isleedahay waa isla fahmi kartiid Dawlada uu hogaaminayo madaxweyne maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

1) Arinka Qaxootika soomaalida ee kenya ku nool muda ku dhaw 30 sano Dawlada kenya arinka waxay doonaysaa inay xal u hesho.

Waxaa jira Qorsho ay dowladda Kenya ku dooneysay in dib ugu soo celiso dalkooda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerada Dhadhaab ee dalka Kenya .

arinkan waxay Dawlada kenya isku fahmi waayeey Dawladii uu hogaaminayey madaxweynihii hore xasan sheekh .

Arinka la isku qabtay wuxuu ahaa dhaqaalaha caalamku ku bixinayo celenta qaxootiga soomaalida yaa kamasuula hawshaa fulinteeda
Dawlada kenya iyadaa doonaysay wixii dhaqaalo ah inay maamusho

Dawlada kenya ayaa aamin san in madaxweyne farmaajo ay si wanaagsen isku fahmidoonaan arinka Qaxootiga waxay dawlada kenya aamin santahay in dhaqso loo dhaqan galiyo

heshiiskii 2013 ee ahaa in dib loogu celinayo qaxootiga soomaalida ee kenya kunool heshiiskaa waxaa kala saxiidey dowladaha Kenya,Somalia iyo hay’ada qaxootiga qaramada midoobay UNHCR.

Dawlada kenya waxay si weyn u og tahay in madaxweyne maxamed cabdulaahi Farmaajo isaga iyo Qayskiisu ay waayo aragnimo weyn u leeyihiin macnaha Nolasha Qaxootiga ama somali diaspora. Markaa way Fududaanaysaa in madaxweyne iyo Raysal wasaarihiisu soo maree nolol Qaxooti ah markii Danbana isku badashay Qorbajoog ama somali diaspora.
Arinka way fufuday in labada Dawladood kawada shaqeeyaan iyagoo kaalmo kahelaya dawladaha Deeqda bixiya.

2) Qodobka labaad ayaa ah Arinka beesha mareexaan iyo xuduudka kenya iyo somaaliya sida Nabad looga dhilinkaro. Alshabaana looga guulaysto.

Dawlada kenya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa kooxa al shabaab waxaa jiray Gudi dowlada Kenya u xil saartay weerarkii Alshabaab ku qaadeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Gudiga ayaa baarayey doorkii ciidamada dowlada Soomaaliya ee meesha mareexaan
ku lahaayeen weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-cadde. gudigan ayaa wuxuu beesha Mareexaan ku eedeeyay in Alshabaab ku taageereen dagaalka ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo weerarka ka dhacay magaalada yar ee ceel cadde ayaa waxay alshabaab ku xasuuqeen ciidanka kenya ilaa ciidan kabaden sadex boqol

arinkan wuxuu dawlada kenya ku qasbay inay diyaariso shir dhexmara Dowlada Kenya iyo Beesha Mareexaan shirkaa oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Rayal wasare Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Raysal wasaare Cabdi faarax Shirdoon (SAACID) iyo Ugaaska Beesha Mareexaan shirkan wuu ka maqnaa waqtigaa madaxweyne farmaajo oo ahaa Raysal wasaare hore.

Shirkaa waqtigaa dhacay ayaa arimo baden looga haday sidii dowlada Kenya iyo Beesha Mareexaan isaga kaashan lahaayeen amaanka, xuduudka dheer ee u dhaxeeya soomaaliya iyo kenya

waxaa kaloo laga hadlay in dawlada kenya joojiso Eedaynta ay u soo Jeedisay Beesha Mareexaan inay wax ka ogeed Weerarkii Ceel-cade, iyo inay Taageeraan kooxaha alshabaab

dawlada kenya ayaa aaminsan in madaxweyne Farmaajo wax baden ka qabankaro xiriirka reerka uu ka dhashay iyo Dawlada kenya iyo
soomaalida degta xuduudka kenya iyo soomaaliya u dhaxeeya.

Dawlada kenya ayaa mudo baden waxay dagaal kula jirtaa kooxa alshabaab ee ka soo weerara dhinaca xuduudka u dhaxeeya kenya iyo somaliya

dawlada kenya wax guula way ka keeni wayday dagaalada waxaa uga baxay Qashay badan waxaa uga dhintay ciidan baden iyo shacab baden

arinka xuduudka u dhaxeeya soomaaliya iyo kenya haduu hagaago waxay guul wayn u tahay Dawlada madaxweyne uhuru kenyata oo dhamaadka sanadkan wuxuu Galayaa Doorasho adag oo uu cod kaga Raadinayo Gobalka ugu weyn kenya ee loo yagaan Gobalka somalidu dagto ee waqooyi bari.

Sida aan Falanqeeyey

Madaxweyne Farmaajo Somalia iyo Madaxweyne Uhurro Kenyatta waxay labaduba kawada hadleen waxa dantoodu tahay Taas oo ah sidee ugu fudud ee kooxda alshabaab looga guulaysan karaa waqtigan hada lagu jiro waxaa dagaal toos ah wada kooda alshabaab oo diidan joogi taanka ciidamada kenya soomaaliya

Waxay dad baden is way diinayaan waxay kooxda alshabaab uga dagaalami waydey xuduudka u dhaxeeya somaliya iyo itoobiy

Waxaa Falanqeyn tayda ku soo Gabababeenaya Way baden yihiin waxa ay ka sugayso dawlada kenya hogaanka madaxweyne Maxaned cabdulaahi farmaajo in ay kawada shaqeyaan

Sida aan u arko Qodobada labada madaxweyne ku heshiyeen waxay kala yihiin maanta waa heshiis muuwqa oo caadiya

A-n la joojiyo diyaaradaha rakaabka Muqdisho ka baxa marriinkooda Wajeer, ayna toos Nairobi u tagaan.

B-Kenya inay Soomaaliya dalkeeda iyo kharashkeeda ugu tababbarto 200 kalkaaliye caafimaad, 200 bare iyo 100 shaqaalaha maamulka.

C-Dublomaasiinta iyo shaqaalaha haysta baasabboorka adeegga (service) ee labada dal in ay fiiso la’aan u kala gooshi karaan.

E-Xuduudda labada dal in muddo 30 cisho gudeheed ah laba meelood laga furo: Beled-Xaawo/Mandera iyo Dhoobley/Libooye.

D -Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab in Soomaalida ku jirta looga furo dugsiyo farsamada gacanta lagu barto

Qodobada ugu weyn ee sida hoose looga wada hadlay ayaa ah Qaxootiga soomaalida ee kenya kunool in la celiyo waqti dhaw iyo in xal loo helo arinkaka xuduudka kenya iyo soomaaliya labadaa Qodob ayaa ah mid siyaasadeed. oo u baahan in la isla fahmo.

si meesha looga saaro dhibaatada iyo Dagaalada ay wadaan kooxda al shabaab.

Qore maxamed caalim

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: