FAALLO: CABASHADA SHAQAALAHA DOWLADDA

1-Subaxdii Shaqaalaha dowladdu waa in ay 8:00 aroornimo saxiixaan buugga xuduurka yaalla xafiiska Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha.

2- Qofkii 8:15 aroornimo ka soo dib dhacaa, waxa uu ka dhigan yahay qof aan maalintaas soo shaqo tegin, waqtigaas oo buugga la laabayo.

3- Qofkii ka soo shaqo tegaya degmooyinka Madiina, Hodan, Waaberi, Hawl Wadaag, iyo guud ahaan galbeedka Muqdisho, waddooyinkii uu soo mari lahaa, sida Maka Al-Mukarrama iyo Dekedda maalintii la doono, sabab la’aan, waa la xirayaa, qofka shaqaalaha ahe Teesaraha Shaqada la soo baxana qori caaraddiis ayaa lagu celinayaa, gaariga haddaanu kala firaynna halis ayuu u yahay in la toogto. Hadduu askariga weydiiyo su’aasha ah: “Taliye shaqaan ku degdegayaaye xaggeen maraa?” Jawaabtu ay noqonayso: “Badda ku dhac haddaad doontee, eray dambe ha igu soo celin”.

Mudane Ra’iisul Wasaare, adiga oo mahadsan, saddexdaas qodob shaqaalaha dowladda isu waafaji.


Sabriye Moalim Muse