var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faahfaahin la xiriirta Dadkii Shacabka ahaa ee lagu xasuuqay Duleedka Godod

Ilwareed Online

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay saddex ruux oo rag ah halka uu dhaawac soo gaaray qof dumar ah kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo saarnaa gaari kuwaasi oo dabley kasoo jeeda Galmudug ay ku xasuuqeen duleedka Deegaanka Godod ee bariga Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Deegaanka Balibusle ee Degmada Jariiban ayaa waxaa uu Radio Gaalkacyo u xaqiijiyay in dabley hubeysan oo ka soo ambabaxay dhanka Koonfurta Gaalkacyo ay dad shacab ah ku xasuuqeen duleedka Godod.

“Saddex qof oo rag ah iyo qof dumar ah ayaa la xasuuqay gaarigii rakaabka ahaa ee ay saarnaayeenna waa la gubay sidaasi waxaa sameeyay Maleeshiyaad kasoo ambabaxay koonfurta Gaalkacyo” sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Balibusle.

Mudane Maxamed Cali Shire ayaa eedeyn u jeediyay Maamulka Galmudug wuxuuna sheegay in ay jabiyeen nabaddii lagu heshiiyay oo ay xasuuqeen dad shacab ah oo aanan waxba galabsan xilli Ciidamada Puntland ay garab siiyaan soona dhoweeyaan dadka shacabka ah ee xoola dhaqatada ah ee kasoo jeeda Galmudug kuwaasi oo soo doonta daaqsinka iyo biyaha.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: