var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faahfaahin ku saabsan weriye laga afduubtay magaalada Muqdisho

0

Mid ka mid ah weriyeyaasha ka howlgala warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa la afduubtay, iyadoo qoyskiisa ay ka soo saareen faahfaahin ku saabsan sababtii ka dambeysay afduubkiisa.

Weriye Hanad Cali Guuleed oo ka tirsan idaacadda Telefishanka idaacadda Goobjoog ayaa waxaa afduubkiisa ka dambeeyay kooxo aan heybtooda la garan sida uu sheegay maamulka idaacadaasi.

Qoraal maanta ka soo baxay xarunta idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in qoyskiisa ay ka soo xigteen hanjabaado maalmahaan loo jeedinayay Weriye Hanad Cali Guuleed.

Weriyaha ayaa isagu maalmahaan ku howlanaa barnaamijyo ku saabsan gurmadka dadka ku tabaaloobay abaaraha ka jira gobolada dalka, mana jirto cid sheegatay inay ka dambeysay afduubka weriyaha.

Maamulka idaacadda Goobjoog ayaa falka afduubka ah cambaareeyay, isagoona ku tilmaamay inuu yahay mid waxashnimo ah oo dhaawacaya damiirka warbaahinta Soomaaliya isla markaana ay ka welwelsan yihiin xaaladiisa nololeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.