Faah Faahinno laga helayo falal dilal iyo dhaawacyo isugu jira oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Sida ay ku soo warramayaan dadka degan deegaanka Ceelasha Biyaha Rag  hubeysan ayaa xalay fiidkii Goob Maqaaxi ah oo loogu Magac  daray Galmudug  ku dilay 2 qof.

Waxaana falkaas kadib Ciidamo soo gaaray meesha ay wax ka dhaceen rasaas ay iyaguna fureen ay  ku dhaawacmeen illaa 4 qof.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Habeen ka hor waxaa lagu dilay 4 qof , halka Habeenkii ka sii horeeyay isla deegaankaas lagu dilay 6 qof.

Falalkaan ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in ay salka ku hayaan aanooyin Qabiil.

Tan iyo wixii ka dambeeyay Dil wadareed loogu geystay Nawaaxiga deegaanka Lafoole dad lagala soo dagay gaari ay la socdeen oo marayay Nawaaxiga Lafoole ayaa waxaa duleedka Muqdisho ku sii kordhayay falal dil bareer ah.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline