var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faah faahin ku saabsan Dagaal ka dhacay Deegaanka Goof Gaduud ee G/Jubada Hoose

Ilwareed Online

Wrarka kaimaanaya Gobolka J/Hoose ayaa sheegaya in Dagaal xoogan oo socday muddo saacad iyo wax ka badan ayaa ka dhacay deegaanka B/Gaduud ee duleedka Magaalada Kismaayo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Ajaanib iyo oo isku dhinac ah iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weeraray degaanka Buulo-Gaduud oo maanta ay halkaasi tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka iyo kuwa Kenya, iyadoo ciidamada Jubbaland ay wehliyaan.


Dagaalkaasi ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan oo soo kal gaaray, dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi inta uu gaarsiisan yahay, sidoo si cad looma oga tirada dhimashada iyo dhaawaca ee dagaalkaasi ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa ku faafisay Baraha Internet-ka ku faafisay Gaari ay wateen ciidamada Mareykanka inay ku gubeen dagaalkaasi, inkastoo uusan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaq dhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: