var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Faah faahin ku saabsan dagaal ka dhacay Deegaan ka mid ah Gobolka Mudug.

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya degaanka Godod ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi wali ay ku dagaalamayaan Maleeshiyaad Xoolo dhaqato ah, kuwaas oo ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.


Dagaalka ka socda deegaankaasi ayaa la soo soo sheegayaa inay ka qeyb qaateen maamulada ciidamada Puntland iyo Galmudug, iyadoo dagaalkaasi la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Wararka laga helaayo Cisbitaalada Caafimaadka gobolka Mudug ayaa sheegay in Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo la soo gaarsiiyay dhaawacyo ku soo dhaawacmay dagaalka.
Dhanka kale Waxgaradka iyo Guddiga Amniga gobolka Mudug ayaa ku howlan dadaallo kala duwan oo xabadda lagu joojinaayo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: