Faah faahin: Ciidamada Dowladda oo sheegay in Al-Shabaab ay kala wareegeen deegaano dhowr ah.

Ilwareed Online –

Qaar ka mid ah Taliyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyay Dagaal Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed shalay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada hoose oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Xasan Aadan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo iskaashanaaya ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saareen deegaanada Baar Sanguuni,Gosha iyo miir kori halkaas oo maleeshiyada Al-Shabaab ku sugnaayeen.
Dhanka kale Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu socday saacado badan ayna ka qeyb qaateen diyaarado Dagaal, wuxuuna sheegay Taliye Xasan Aadan in maleeshiyaadka Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare Xoogan, sidoo kale ma jiro war ka soo baxay dhankaShabaabka oo la xiriira dagaalkaasi.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline