var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

EX-Madaxwayne Cali Cosoble oo Si Kulul Uga Jawaabay Hadalkii Ka Soo Baxay Wasiir Juxa;-Dhageyso Inbox x

Ilwareed Online

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa si kulul uga jawaabay go’aankii dowlada Somalia ka qaadatay khilaafka Hirshabelle kaasoo ay ku taageertay xilka qaadistii isaga ay ku sameeyeen Baarlamanka Maamulkaas.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa hadalka dowlada federaalka ku tilmaamay mid lala yaabo oo sharci daro ah wuxuuna xusay inuu isagu weli yahay Madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Hirshabelle.

“Aniga meesha xoog kuma qabsan ee sharci ayaan ku imid, sharci ayaana uga baxayaa, hadalka ka soo yeeray dowladana waa mid la sii ogaa oo uu ka dambeeyey raisul wasaare Khayre” ayuu yiri Cali Cosoble oo hadalka dowlada ku gacan seyray.

Mar uu soo hadal qaaday mooshinka xilka looga qaaday isaga ayuu sheegay inuusan ahayn mid sharci ah uusana aqbali doonin “Xagee sharciga uga qoran tahay in 24 saac gudahood mooshin lagu keeno xilkana looga qaado Madaxweyne maqan,”ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxaa uu sheegay inuu kulan la qaatay madaxweyne Farmaajo ayna ka wada hadleen khilaafka ka taagan maamulkiisa wuxuuna xusay in madaxweynuhu ka balanqaaday in arintiisa uu geli doono marka uu ka soo laabto magaalada Qaahira.

Mar la weydiiyey waxaa isaga hadda u qorsheysan ayuu sheegay inuu dacwad u gudbin doono Maxkamada sare ee dalka uuna qaadan doono go’aan kasta oo arintan ka soo saarto Maxkamada.

Hadalka Cosoble ayaa ku soo aadaya xili maanta Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaiya ay sheegtay in xil ka qaadista Madaxweynaha Hirshabeela ay sharci tahay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mowqifka dowlada uu ka dambeeyey ka gadaal markii ay aragtay Go’aankii Baarlamaanka ee dowlad goboleedka Hirshabeele ee August 14, 2017, guddii wasiirro ah oo xaqiiqo raadis ahna u dirtay magaalada Jowhar, waxayna dowladu ku baaqday in 30 cisho gudahood lagu soo doorto Madaxweyne cusub.



Mogadishu – Somalia


Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.