Emmanuel Macron oo ka mid noqday Hogaamiyaal dhowr ah oo la jabsaday xogta Taleefanadooda.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka mid noqday dhowr hoggaamiye oo la bar-tilmaameedsaday xogta Taleefanadooda.

Software-ka oo loo yaqaan Pegasus, wuxuu u dhacaa taleefannada wuxuuna fursad u siinayaa dadka adeegsanaya inay ogaadaan xogaha taleefoonkaasi ku jira.

Waxaa jirta warbixin cusub oo lasoo dusiyey, taasoo bidhaamineysa in la basaasay uggu yaraan 50,000 oo qof oo caana, kuwaasoo ku kala nool dunida dacaladeeda.

Shirkadan lagu magacaabo NSO ayaa beenisay wararka sheegaya in barnaamijkeeda loo adeegsaday si qaldan.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline