var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Duqaymo diyaaradeed oo la sheegay in saacidihii la soo dhaafay ka dhaceen qeybo ka mida G/Gedo.

Wararka aanu ka helayno Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Saacadihii la soo dhaafay Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Tuulooyin Hoos yimaada Degmada Baardheerre ee G/Gedo waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo Dhaawac leh.


Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in diyaaradaha Dagaalka ay Duqeeyeen Tuulooyinka Tarako, Juungal, Dhaga laab, iyo Dhagaajo waxaana dadkii ku dhaawacmay qaarkood la soo gaarsiiyay Isbitaalada Magaalada Baardheere ee G/Gado.
Duqaymaha ayaa waxay ka dhaceen deegaano ay ka taliyaan Al-Shabaab laakiin dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya in dadka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhamaantood yihiin Dad shacab ah.
Dhanka kale Milatariga Kenya ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin duqeentaasi balse inta badan Diyaaradaha dagaalka kenya ayaa Duqeeya Meelo ka mid ah Gobalka Gado.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: