var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

DULYAR: “WAXAAD MAANTA BI’ISAAN, BIRI HA U SHALAAYINA…”

Wasiirka Warfaafinta iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa ay godob ka galeen Warbaahinta Madaxa Banaan. waayoo Xaq maaha in Mahad celntii shaqadii adkeyd ee Baarlamaanka ee ay Saxaafadu la soo qabatay Kaliga fadhiga iminka soo xirmay in ay isku Safaan Wasiirkii iyo Shaqaalihii Warbaahinta Qaranku waana musuq Maasuq aan geedna loogu soo gaban.

waayoo Wariyayaasha Madax banaan waa kuwii subax walba u taagnaa shaqada Baarlamaanka iyagoo aan wax xuquuq ah iyo wax tixgalin ah ku heysan. mararka qaarna wadooyinkoo xiran darteed ay la soo lugeynayeen qalabkooda si ay ugu adeegan bulshadooda.

Kuwa Qarankuna waa kuwa Baarlamaanka ka soo gala iyagoo gaadiidkooda wata Ilinka ay Xildhibaanadu ka soo galaan. AAWAY CADAALADII.

Ka warama bacdal fasax hadii warbaahinta madaxa banaani iska joojiso la shaqeynta Baarlamaanka, waxaa la oran doonaa warbaahintaa gardaran.

Hadaba waxaan codsaneynaa hadaan nahay Warbaahinta madaxa banaan in arinkaas Isir faquuqa ah ay ka garaabaan sida ay ku dhacday in hal warbaahin oo madax banaan uu Gudoonkeena iyo Wasiir keenuba garan waayaan iney Almiino isku dhex milaan hadeey rabaan ineey Warbaahinta Qaranku naga badsato Mahad celinta Baarlamanka.

Fadlan Dowladnimada ka daaya ciyaarta oo haloo sinaado oo yaan nalaka xigsan oo Anagoo diyaar u ah inaan Xuquuq iyo Qadarin la’aan ugu shaqeyno Qarankeena yaan nalaku kalifin inaan idin kilkileyno. Walaahay ineysan idinku fileyn SNTV iyo Radio Muqdisho. hana nalaka daayo ilhaanada iyo Xaqiraadda.

Shacabkeena iyo Dowladeenuna biri yeysan na eedin hadii gafkaas naloo kaga garaabi waayo sida uu ku dhacay Waayoo maah maah baa tiraahda HADII LAGU MOOSO KARTAA LEYSKU MUUJIYAA..

Abduqadir Farah Dulyar

Mahadsanidiin.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: