var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Soomaaliya Oo Xal Siyaasadeed u Raadineyso Arrimaha Federaalka

Ilwareed Online

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in loo baahan yahay in Xal Siyaasadeed loo helo Arrimaha Federaalka ee dalka uu qaatay taasina ay ka shaqeyn doonaan Wasaaradaha Dastuurka iyo Guddiyada Labada Gole ee Dib u eegista Dastuurka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa shaaca ka qaaday in Sanadka nagu soo fool leh ay lagama maarmaan tahay in wax badan laga qabto Arrimaha Dastuurka, islamarkaana la’is waafajiyo Shuruucdiisa.

Tallaabadaas ayuu hoosta ka xariiqay Wasiir Xoosh in ay Muhiim u noqon doonto doorashada soo socoto.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Wasiirka Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Kulan uu la qaadanayay Guddiyada Isku dhafka ah ee laga soo kala doortay labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo loo igmaday Dib u eegista Dastuurka Qabyo Qoraalka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: