Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed ka soo saartay xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka Carabta

Il wareed Online-

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir xooggan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jiray qarniyo, iyadoo Madaxda Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa afka English-ka in Soomaaliya horumar weyn ku sameystay siyaasadda iyo dhaqaalaha, si dib loo dhiso hey’adaheeda, isla markaana Soomaaliya ay rajeyneyso in Imaaraadka Carabta ay gacan ka geysato dadaaladaas.

War saxaafadeedka ayaa lagu soo hadal qaaday arrimihii dhacay 8-dii bishan iyo mad madowgii ka dhashay, kaddib markii diyaarad ay laheyd Imaaraadka Carabta lagu xayiray garoonka Muqdisho, iyadoo Imaaraadka Carabta ay cadeysay halka ay u socotay lacagtii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay in lacagtii Imaaraadka Carabta dib loo celinayo, isla markaana xal loo helo is faham waaga.

 

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline