Dowladda Soomaaliya oo ka digtay roobab ka da’aya Deegaanada Jubbaland iyo Puntland

Khadar Xuseen oo ah Agaasimaha hay’adda maareynta khatarta iyo musiibooyinka dowladda Soomaaliya oo wareysi siiyay saxaafadda ayaa waxa uu ka hadlay roobab dabeylo wata oo Ku dhufan doono deegaano ka tirsan Jubbaland iyo Puntland.

Waxaa uu sheegay agaasimaha in deegaanada Jubbaland roobab xoog leh ay ka da’i doonaan, kuwaasi lagu qiyaasay ilaa 10mm ah, halka Puntland deeganada xeebaha ay ka da’i doonaan roobab mahiigaan ah oo wata dabaylo.

Agaasimaha ayaa waxaa uu shacabka degan hareeraha xeebaha deegaanada Jubbaland iyo Puntland uga baaqay inay taxadar badan muujiyaan.

Dhankakale Deegaanada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay ka da’aan roobab dabeylo wata, kuwaasi oo sameyn ka dhalan karta





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline