var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya ku Wareejisay sargaal ka tirsan Ururka ONLF.

Ilwareed Online

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee todobaadkii hore la keenay magaaladda Muqdisho loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Sida uu qoray Warkeyska Ethiopian Observer C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa loo gacan galiyay dowlada wadanka Itoobiya.

C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo loo soo gudbiyay Magaaladda Cadaado.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgala deeganada Maamulka Galmudug ayaa Jimcihii la soo dhaafay keenay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, kadib markii diyaarad gaar ah loogu soo qaaday Magaaladda Cadaado.

Arintaas waxaa aad ugu carooday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo sheegay in hadii sarkaalkaas loo gacan galiyo Dowladda Ethopia uu xumaan doono xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay dalbatay in Sarkaalkaas lagu soo wareejiyo, waxaana la sheegay inay u martay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo shalay u soo gaaray Muqdisho soo wareejinta Sarkaalkaas.

Ninkan ayaa diyaarad yar looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaarada sii martay magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarada Milateri looga sii qaaday garoonka diyaaradaha magaaladda Baydhabo, waxaana la geeyay magaalada Godey, halkaa soo shalay galabta ay diyaarada Ethiopian Airlines ka qaaday, isla markaana ka dejisay magaalada Nazaret oo ah ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan geliso Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF, iyadoo la xusuusto in qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira ay horay xubno ka tirsan ONLF oo ay ka qabteen deegaanadooda u gacan geliyeen dowladda Itoobiya.



Mogadishu – Somalia


Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: