Dowladda Shiinaha oo maraakiib dagaal iyo ciidamo kala baxay biyaha Soomaaliya.

Muqdisho:-Dowladda Shiinaha ayaa qeyb ka mid ah maraakiibteeda dagaalka iyo ciidamo kala baxday biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed.

Ciidamadaas iyo marakiibtooda dagaalka ayaa 14-kii bishan dib ugu laabtay magaalada dekedda leh ee Zhoushan ee bariga gobolka Zhejiang.

Kooxda howlaha badda ee Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo (PLA) ayaa dhameysatay muddada loogu talagalay howl-galka, iyaga oo galbin jiray maraakiibta rayidka ah ee Shiinaha iyo kuwa kale ee ajaaniibta.

Sidoo kale kooxdan isaga baxday biyaha Soomaaliya ayaa ka koobneyd burburiye, hage gantaalaha Taiyuan, maraakiibta gantaalaha Jingzhou iyo markabka sahayda ee Chaohu.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline