var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Sacuudiga oo Howlo Afurin ah ka bilaabaya Soomaaliya

Waxaa goordhow dalka ka bilaabanaaya Gargaar ay bixinayso Hay’adda gar gaarka Bani’aadanimo ee King Salmaan, kaasi oo lagu Afurinayo shacabka Soomaaliyeed.


Saudi Press Agency (SPA) Wakaaladda Wararka ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in gar gaar gaaraya 596,340 cuno Afurin ah in laga fulinayo gudaha Soomaaliya, iyadoo mashruucan Afurinta ah laga qeybinayo dhammaan Gobolada dalka, waxaana marka hore laga bilaabi doonaa Degaanada maamulka Puntland.
Wakaalada wararka Sacuudiga waxay sheegtay in gar gaarkan ay ka faa’iseysan doonaan dadka Soomaaliyeed ee Sooman Bisha Ramadaan, kuwaasi oo horey ay u saameeyeen Abaraha dalka ka jira.
Dhanka kale Hay’adda gar gaarka Bani’aadanimo ee King Salmaan ayaa mashruucan waxay la kaashaneysaa xafiiska Hormarinta ururka Islaamka (OIC).

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: