var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Qatar oo Soomaaliya ka taageeri doonto dib u heshiisiin Qaran

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa ku heshiiyey in Soomaaliya laga teegeero sidii loo furi lahaa dib u heshiisiin Qaran iyo horu wadidda xiriirka labada dal.

Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, waxaa ku sugan wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha ayaa la kulmay Amiirka dalkaasi Qatar iyo madaxda kale ee waddankaas, waxa ay wada gaareen heshiisyo dhowr ah

Wasiirrada Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo Qatar ayaa shir jaraa’id ku qabtay Doha, iyagoo faah-faahiyey heshiisyada waxa ay ku aaddan yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ayaa sheegay in labada dowladood ay ku heshiiyeen sidii loo taageeri lahaa aragtida ay waddo dowladda cusub ee madaxweynaha Farmaajo uu ku hoggaaminayo in dowladda Qatar ay Soomaaliya ka taageerto dhinacyada amniga iyo dib u heshiisiinta Qaran ee ay dhowaan bilaabi doonto dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu gaarsiiyey dalka Qatar Amiirka dalkaasi dhambaal mahadcelin ah oo la xiriira sida shacabka Soomaaliyeed ugu qanacsan yihiin isla markaana ay mahad uga hayaan taageerada ay ka helaan walaalahood reer Qatar.

Hehisiiyo kale ayaa lagu gaaray magaalada Doha, kuwaas oo ay dhowaan si rasmi ah uga hadli doonaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta dalka Qatar.

Dowladda Qatar ayaa soo dhoweysay madaxweynaha iyo wefdigiisa, sheegtayna in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga jawaabi doonaan, arrimo ay ka yihiin gargaarka bini’aadannimo, kaalmooyinka tooska ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed loo fidinayo iyo iskaashiga diblomaasiyaddeed ee labada dal.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: