var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Mareykanka oo Musaafurineysa Somaalidii ugu badneyd ee dalkeeda ku sugan

0

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in dalkeeda ay kasoo musaafurineyso shan kun qof oo Soomaali ah ,kuwaas oo qaarkood dalka ku jooga sharci daro halka kuwa kalana ay galeen dambiyo kala duwan.

Afhayeenka waaxda fulinta arrimaha socdaalka iyo kastamka Brendan Raedy, ayaa sheegay in laga soo bilaabo 1-dii bishan April, 2017 ilaa 4,801 qof oo Soomaali ah ay heleen amarkii u danbeeyay ee dalka looga soo saari lahaa.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in horey dalka Mareykanka looga soo musaafuriyay dad gaaraya 237 oo si qasab ah Soomaaliya looga dejiyay, dadkan ayaana u badnaa kuwa ku xirnaa xabsiyada dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Maryakanka Axmed Ciise Awad ayaa horey u sheegay in safaaradda ay oggaatay in hay’addaha socdaalka Maraykanku ay masaafuriyaan ilaa 4 kun oo Soomaali ah oo iminka ku nool Maraykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in dadkan Somalida ah ay musaafurineyso  intooda badan ay galeen dambiyo , waxa ayna dowladu sheegtay in ay diirada saareyso ayna musaafurineyso kuwa ay u arkaan in ay halis ku yihiin amaankooda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.