Contact us on [email protected] | Our headquarter KM4 Mogadishu - Somalia
Dowladda Maraykanka oo Ciidan u soo Diray Soomaaliya
Saraakiil Maryakan ah ayaa VOA u sheegay in ciidamo Maraykanka la geeyay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya si ay tababar u siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ciidamadaan ayaa ah Tiro kooban oo ciidamo ah waxayna dalka soo gaareen 2-dii bishan, sidoo kale saraakiishu waxay sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa horay dalka u joogay ciidan kooban oo tababarayaal ah, kuwaasi oo tababarayay Ciidamada Soomaaliya.