var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Kenya oo sheegtay inay ka war heshay in Al-Shabaab ay dileen Kenyaankii Shabaabka ku biiray

0

Agaasimaha Howlgalka Linda Boni ayaa sheegay in Al-Shabaab ay khaarajiyeen tiro ka mid ah dhalinyaradii Kenyaanka aheyd ee ku biiray Al-Shabaab kadib markii ay uga shakiyeen inay yihiin Basaasiin.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay jiraan dhalinyaro badan oo Kenyaan ah oo ay Al-Shabaab ka qorteen Keymaha Booni ee dalka Kenya.

James Ole Seriani Agaasimaha Howlgalka Linda Boni ayaa si buuxda u sheegay in Al-Shabaab ay dhalinyaro badan Kenyan ah ay dileen intii u dhaxeysay bilihii Apriil iyo March ee Sanadkaan.

Agaasimaha ayaa sheegay inaysan jirin Basaasiin ay u dirsadeen Al-Shabaab , laakiin dhalinyaradaasi ay ahaayeen kuwo iskood Al-Shabaab ugu biiray, wuxuuna xaqiijiyay in dhawaan ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa iyagu waxay toogtaan dadka ay ku eedeeyaan inay ka tirsan yihiin Ciidamada dowladda Kenya iyo sidoo kale kuwa Soomaaliya, kuwaasi oo u arka inay yihiin Basaasiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.