var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Kenya oo sheegtay in Al-Shabaab looga adkaaday Lamu iyo Boni.

Ilwareed Online

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay faarujiyaan Guud ahaan Lamu iyo Boni oo ah meelaha ku xoogan yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Warbaahinta kenya oo soo xiganeyso Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya Joseph Kanyiri ayaa sheegay in 5-ka mid ah Al-Shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo Rasaas ah,Saddex Garneyl iyo Waxyaabaha qarxa.


Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-Shabaab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.
Dhanka kale Joseph Kanyiri wuxuu sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Al-shabaab.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: