Dowladda Itoobiya oo shaacisay magaalooyinka ay ka qabsatay Tigreega.

Ciidanka dowladda Itoobiya ee howlgalka ka wadda gobolka Tigreega ayaa shaaciyay in Magaalooyin muhiim ah oo saacaddihii la soo dhaafay ka qabsadeen jabhadda TPLF kadib markii ciidanka Milatarigu ay xoog kula wareegeen.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeeda ay la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Taliyaha ciiddamada cirka,Yilma Mardasa ayaa sheegay inay ogaadeen islamarkaana burburiyeen goobtii ay Tigreegu gantaalada ka soo riddayeen.

Wuxuuna sheegay inay xadka Axmaarada ee galbeedka ka qoddeen god 5-Kilomiter ah oo lagu kaydinayay gantaaladan.

Yilma Merdasa ayaa sheegay innay sannado baddan usii diyaar garoobayeen, wuxuuna xusay in maamulka TPLF xitaa aysan goobtan aqoonin.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline