var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Federaalka oo abaal marisay tobanka arday ee ugu sareysa dugsiyada sare (Akhriso sababta ay ku muteysteen)

Ilwareed Online –

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhabeysay ballanqaad ay horay u shaacisay kaasi oo ahaa inay abaal marineyso tobanka arday ee iyagu guuleysta imtixaanka Qaran ee Dugsiyada sare dalka oo dhowaan la soo gabagabeeyay.

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Dowladda Soomaaliya qoraal maanta ka soo baxay xafiiskeeda ayaa lagu sheegay in ardayda deeq waxbarasho ay u geysneyso dibadda, iyagoo doortay ilaa shan dal.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare oo uu ku saxiixnay Wasiirka Wasaaradaasi Cabdi Daahir Cusmaan ayaa lagu sheegay in shanta dal ee loo soo bandhigay ardayda ka doorteen dalka Shiinaha.

Sidoo kale ardayda ku guuleysatay deeqaha waxbarashada ayaa iyagu kala doortay maadooyin kala duwan, kuwaasi oo u badan maadada caafimaadka, waxayna Wasaaraddu u rajeysay guul iyo waxbarasho tayo leh.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: