var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Turkiga

War Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Dowladda iyo shacbiga Turkiga guushii wax ku oolka aheyd ee ay ka soo hooyeen aftidii dhinaca Dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.

“Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaaray Aftidaasi ,taas oo u horseedeysa in uu ku hoggaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Dowladda Turkiga  ay tahay saaxiib qiimo leh oo ka mid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya, taas oo aan u aragno in ay xoojineyso xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Labada Dowladood.

Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay u rajeeyeen shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada, horumar iyo barwaaqo.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: