var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladda Eritrea oo lagu eedeeyay inay taagerto Al-Shabaab

Ambassador Mohamed Siad Doualeh oo ah Safiirka Jabuti u fadhiya Golaha amaanka ayaa faah faahin ka bixiyay xaalada amni ee dalka Soomaaliya.
“Waxaan la wadaageynaa madaxweynha Golaha amaanka in wali ay jirto khatarta Al-Shabaab ay ku leedahay xasilonida iyo ammaanka Soomaaliya waxaana sii kordhaya weerarada ay ka geyesanayaan caasimada,waxayna diideen cafiskii uu u fiday madaxweynaha Somalia Maxamed C/lahi Maxamed” ayuu yiri Ambassador Mohamed Siad Doualeh
Safiirka ayaa taageray in la kordhiyo ciidamada AMISOM ee Somalia ka howlgalaya si ay awood ugu yeeshan iyaga iyo kuwa qaranka Soomaaliya in laga saaro meelaha ay wali ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Jabuti ayaa ugu baaqday Golaha ammaanka in looga baahan yahay inay taageran Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si ay u soo celiyaan ammaanka iyo shacabka inay ku dhex baahiyaan cadaalada.
Ambassador Mohamed Siad Doualeh ayaa sheegay inay wali daremayaan walaac ku aadan inaysan jirin wali iskaashi ay dowladda la sameyso kooxda dabagalka QM ee cuni qabateenta Somalia iyo Eratariya, iyadoo safiirka uu ku eedayay inay carqaladaysay baaritaanka kooxdaasi.

Dhanka kale Jabuuti ayaa ku eedeysay xukuumada Eratareya inay sii wado taagerada ay siinayaan Al-Shabaab si magangalyo, tababar iyo hub lagu taagero dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, waxayna maal galinayan koox hubaysan ay oo isku dayaysa inay xukunka ka ridaan dowladda Jabuuti.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: