var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dowladaha Maraykanka iyo Israel oo isaga baxay xubinimadii hay’adda UNESCO

#Ilwareed Online #

Maraykanka iyo Israel ayaa sheegay inay ka baxayaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka ee UNESCO oo ay ku eedeeyeen waxa ay ku sheegeen inay ka xagliso Israel.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykana ayaa sidoo kale waxay eedaha loo soo jeediyey ee ah in aanay muddo lix sanadood ah bixinin qaadhaankii ku waajibay ee ururkaa la siin jiray kaga jawaabay in sababta ay u joojisay tahay xubinnimada hay’addaa laga siiyey maamulka Falastiiniyiinta.


Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay go’aanka Maraykanka mid geesinimo leh isla markaana damiirka san waafaqsan.

Madaxa UNESCI, Irina Bokova, ayaa ka xumaatay go’aankaa, weriye ka tirsan BBC-duna wuxu sheegayaa in go’aankani tusaale u yahay dhaleecaynta madaxweyne Trump ku hayo qiyamka iyo dhaqaalaha dalkiisu siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Xigasho-VOA-Somali



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: