Dowladda Soomaaliya faah-faahisay maxaabiis laga soo daayey dalka Itoobiya oo xalay fiidkii ka dagay garoonka diyaaradaha caalamiga ah Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo gaareysay 114 ayaa dhoola cadeynayey marki ay kasoo dagayeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka qaar kalana inta ay jilba jabsadeen dhunkadeen ciidooda

Qaar ka mid ah waalidiinta iyo qaraabada maxaabiistan oo eraboorka ku sugayey ayaa farxad darteed la ooyey. Sida ay sheegeen saraakiisha Dowlada, muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ugu jiray xabsiyo ku yaalay Itoobiya danbiyo kala duwan
talaabadaban maxaabiista dowlada itoobiya ay ku keentay dalka soomaaliya ayaa ah talaabooyin ay dhaweaaanahan waday wasaarada arimaha dibada waana markii ugu horeysay kadib dagaalkii 1977 dii