var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

dowlada fedaraalka soomaaliya iyo ciidamada amisom oo kulan uga furmay muqdisho

Ilwareed Online –

 

kulan ayaa inta uu socdo waxaa shir guddoomin doona Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahad Maxamed Guuleed ayaa bogaadiyay taageerada AMISOM u fidinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.

“Waxaan marqaati ka nahay walaalaheena Afrika  sida ay uga jawaabeen baaqeena ahaa xilligii mugdiga aan ku jirnay, sida ay noo caawiyeen”ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin inuu bilowdo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo AMISOM, isagoo xusay inuu aas aas u noqon doono in lagu guuleysto xilliga kala guurka ah oo dhamaantood ay dan guud ugu jirto

Inta uu socdo kulankan ayaa waxaa loogu hadli doonaa heshiiskii qaab dhismeedka Amniga ee ay bishii April gaareen Madaxda Soomaaliya iyo fulinta qodobada heshiiskaas ku qornaa ee ku saabsanaa dhismaha ciidamada ka socda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, si ay si tartiib tartiib awood ugu yeeshaan qaadista mas’uuliyada ammaanka dalka.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: