var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dott Abuukar: “Waa ficil Argigixiso In Somalida sidaan loo galo…”

Inaaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun Alla yaa Raxma intii ku geeriyootay dagaalkii foosha xumaa ee argigixisada ahaa ee Dowlada Mareenkanku ku qaaday qaxooti ay ku jireen muwaadaniin Soomaaliyeed aan wax dambi ah gaysanin. Ilaahay waxaan ugu baryaayaa in uu dambigooda cafiyo kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaana Alaha ka siiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka dhashayn iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed. Aamiin.

Waxaan si adag u cambaaraynaa muwaadin ahaan iyo si Gudoomiye ahaan ee Xisbiga Banadir, ficilkaan argagixisada ah ee foosha xun ee ku dhaqaaqday dowladda Mareekanka, oo ah mid aan loo dulqaadan karin, mana aha mid laga aamusi karo iyadoo uu dhawaan madaxweynaha dalkaasi ku dhawaaqay in uu sii kordhi doono dagaalada ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay argigixiso.

Hadii MW Mareekanka uu Soomaalidoo idil u aaminsanyahay in ay argigiso yihiin hadda ka horna soo saaray ban ku adaan SOOMAALIDA iyo Dowlada kale oo muslim ah waa mid u baahan in si adag loogu jawaabo waajibkana uu saaran yahay Madaxda maanta Soomaaliya hogaamiso.

In MW Mareekanka uu yahay racist iyo necbanaan gaar ah uu u qabo Muslimiinta kuwooda uusan la lahayn xiriir ganacsi ah oo u gaar ah waa mid la wada ogsoon yahay.

Waxaa waddankayaga ku sugan ciidamo Mareekan ah iyo saraakil ka tirsan CIAda oo run ahaantii aysan jirin cid ka warqabto inta ay yihiin iyo waxa dhabta ah ay qabtaan Soomaaliya.

Waa in aan xaqiijinaa meesha ay ka soo duuleen diyaaradahaasi.
Waxaan sugaynaa jawaab culus oo ay ka bixiso dowladda Soomaaliya iyo in uu BFS dood iyo mooshin ka keenaa.

Waa Bilaahi towfiiq.
Dott. Abuukar Nuur Xuseyn

AKHRISO  Waddamo Yurub Ka Tirsan oo Diiday in Shacabka Turkiga isku-soo bax Sameeyaan

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: