var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Doorashada Gudoonka Aqalka sare oo la shaaciyay Maanta

Kalfadhiga kowaad kulankiisa saddexaad ayey maanta yeesheen xildhibaanada  Aqalka Sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana shir guddoominaayey gudoomiyaha KMG ah, xildhibaan Maxamed Xuseen Raage.

 

Xildhibaanada soo xadiray oo 44 xildhibaan  ahaa ayaa ugu horreyn waxaa halkaasi lagu dhaariyey xildhibaano cusub oo ku soo biiray Aqalka sare waxaana ajandayaashii maanta ka mid ahaa  xulashada guddiga doorashooyinka guddoonka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Talo soo jeedinta Xildhibanada kadib ayaa la doortay lix xildhibaan oo noqon doona guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee barlamaanka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Aqalka Sare Prof. Maxamed Cismaan Faarax ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada Aqalka Sare Barlamaanka.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah;

 

  1. Maxamed Cusmaan Faarax (Guddoomiye) oo laga soo doortay Hirshabeele
  2. Farxaan Cali Xuseen (Xoghaye) oo laga soo doortay Puntland
  3. Cabdullaahi Sh. Ismaaciil Fartaag (Xubin) oo laga soo doortay Jubaland
  4. Jawaahir Axmed Cilmi (Xubin) oo laga soo doortay Galmudug
  5. Xuseen Sheekh Maxamuud (Xubin) oo laga soo doortay Koofur Galbeed
  6. Cabdirisaaq Axmed Cali (Xubin)  oo ka soo jeeda Somaliland

Guddiga ayaa sheegay in la billaabayo diiwaangelinta Musharraxiinta maalinta Talaadada ah oo ay bishu tahay 17-ka Janaayo, iyadoo 21-ka bishan la dhageysan doono Khudbadaha Musharraxiinta halka 22-kana la qaban doono doorashada guddoonka Aqaalka sare ee Barlamaanka.

Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horreeyey ee ay Soomaaliya yeelato, waxaana uu ka kooban yahay 54 xu

 

 

 

 

 

AKHRISO  Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo si diiran loogu soo dhoweeyay Jabuuti + Sawirro

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: