var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Diyaarad xamuul laga leeyahay Turkiga ayaa ku burburtay dalka Kazakistan

Diyaarad xamuul ah oo  laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa ku burburtay dalka Kyrgyzstan, waxaana ku dhintay ugu yeraan 37 ruux oo u badan dad ku sugnaa goobta ay diyaarada ku dhacday oo aheyd xaafad la degan yahay, sida ay saraakiisha dalkasi  sheegeen.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Boeing 747 TC-MCL, ayaa ka timid Hong Kong, waxayna ku dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha Manas oo ku yaala waqooyiga magaalada caasimadda u ah dalka Kyrgyzstan ee Bishkek.

Ugu yeraan 15  dhisme oo la deganaa ayaa ku burburay , iyadoo dadka dhintay ay ku jiraan carruur.

Ku xigeenka ra’iisul wasaaraha dalka Kyrgyzstan Muhammetkaly Abulgaziev ayaa Telefishinka qaranka waxaa uu ka sheegay in ilaa iyo hadda wararka ay hayaan ay muujinayaan qalad uu sameeyay duuliyaha diyaaradda.

 

AKHRISO  Ururka Samafalka ee ubax Faundation oo Gurmad Raashin ah Gaarsiiyay Dad ku dhaqan cdeegano Hoostagga deg. Balad

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: