Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Dilal xalay ka dhacay Muqdisho

Ilwareed Online

Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay dilal loo geystay Saddex nin oo la sheegay in midu uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaliyeed.

Degaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa xalay lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Cumar Khadar Xasan oo la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Sidoo kale Kooxo hubeysan ayaa xalay meel u dhow xarunta degmada Wartanabadda waxa ay ku dileen nin halkaasi kulahaa timajare.

Dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in kooxo hubeysan gudaha u soo galeen goobta ninkaasi uu kulahaa timaha jaraha ka dibna ay toogteen.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

fiidnimadii xalay ayaa sidoo kale kooxo hubeysan ay xaafadda Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkiinley, waxaa ay ku dileen nin lagu magacaabi jiray C/laahi Maxamed Ooliyo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...