Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Digniin laga soo saaray qorshe Dowladda Somaliland ka damacsan tahay heshiiska ay la galeyso Imaaraadka Carabta

Waxaa hakad galay gebi ahaanba heshiiska Dowladda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta oo ku saabsan saldhigga Milateri ee Dekedda Berbera, kaddib markii lagu xiray shuruudo dhowr ah oo ku saabsan saxiixa kama dambeysta ah ee labada dhinac ay ka gaarayaan arrintaasi.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay damacsan tahay in magaalada Dubai ay u qaado odayaal ka soo jeeda gobolka Saaxil, kuwaasi oo iyagu caddeynaya sida ay raalliga uga yihiin heshiiskaasi.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Qabille in wax lala yaabo ay tahay tallaabooyinka Xukuumadda Somaliland ee ay u qaadeyso meel marinta heshiiska ku saabsan dekedda Berbera.

“Maalmahaan odayaal ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa looga yeeray madaxtooyada si ay Imaaraadka ugu cadeeyaan inaan la isku heysan dekedda Berbera” ayuu yiri xildhibaanka oo isweydiiyay sababta keeneysa in dowladda Somaliland qoys uga raadineysa inuu toosiyo arrimaheeda.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...