var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

DHULKII QANIGA AHAA EE AY LAHAAYEEN DADKII FAQIIRKA AHAA

Waxaan ahay wadani soomaaliyeed oo ah indheer arag fiqi ah.Waxan maanta inyar xusayaa si kooban macaluusha iyo gaajada abaareed ee xaaqday dalkeenii dad iyo duunyaba,tanoo saamaysay tuulo, dagmo iyo gabolkasta oo soomaaliyeed.waxaan illaahay ka baryayaa in uu naga cafiyo danbiga aan ka galay dalkayaga hodanka ah oo aan caasinay hadaanahay shacabkii soomaaliyeed.

Hadaan arinka fududeeyo,illaahay waxa uu arlada inaga siiyay dhul baahidii adamaha u baahnaa noalsha aduunka ay u dhamaystiran yihiin.Haday ahaan lahayd dhulbeereed,haday ahaan lahayd bad haday ahaan alhayd buuro iyo hawd iyo ban leh daaqsiin iyo nooc kastoo la arkoo xoolo ah.Dhul leh xabag iyo qadhaab miro dabiici ah hawo macaan iyo beerasho xiliwalba ah 12 bilood ee sanadka.Waxa dhex jiifa dhulkeena gaas iyo saliida loo yaqaan dheemanka ama dahabka madoow. Dhulkeenu waxa uu kamid yahay meelaha aduunka uugu qanisan oo ugu barwaaqada badan dhab ahaan.

Dadkii dhulkan lahaa ee soomaaliyeed casinimada ay dhulkooda caasiyeen darteed iyo inkiridaa khayraadkiisii ay inkireen kadib markay ka faa iidaysan waayeen dhulkoodaas hadan ka ah ayay u xaaqmayaan oo ugu dul dhimanayaan gaajo darteed maxaa yeelay inkaarta iyo nabsiga ay kagalayaan dhulkooda ayaa ku dhacay. si kale hadaan u iraahdo dhulkaa habaaray soomaalida.

Hadaba bal aan is waydiinee maxaa keenay in soomaaliya gaajo u dhintaan mudo qarniyaal ah? ma suurto galbaa in dhul barwaaqo ah hadana dadkiisii gaajo layso? sidee waxyihiin soomaaliyeey? ma oran karaa dhulkaa danbiile ah oo naga eexday oo aan waxba lahayn cunto ah iyo khayraad? Waxaa weeye dhulkeenu danbiile maha waa dhul hodan ah oo qani ah.Kolkaa dhibtu waa dadka soomaaliyeed ayaa ah faqri iyo badaw asal ah oo aan fahmin qaabkii ay dagaankoodan hodanka ah uga faa iidaysan lahaayeen oo u maalilahaayeen nicmada dhextaal.Hadaba faqriga dadkeena hayaa waa mid aqliga ah ileen dagaan ma aha ee. wax kaxuna majiro aduunyada caqliga ood faqri ka ahaato. qof aan caqli lahayn waa xaq in uu gaajo cidlo uugu dhinto maadaama uu san garan karin sidee gaajo looga gaashaantaa oo looga baxaa!!! waa dhimanayaa xisyari xagiisa ahaatay darteed.

Tusaale yar hadaan idin dareen siiyo soomaaliyeey walaalayaal,waad aragtaan dadkeenii inuu cunto iyo biyo darteed u dhamaanayo dhanka kale fiiriya badeenii waxay ina leedahay dadkaygiiyoow cuna oo ka dharga waxna iib geeysta khayraadkan aan idiin hayo!! waxaad arkaysaan in markii aynu waynay sababo jiro awadeed dawladii dhexe 1991 dii in badeenii maraakiibtii dawlado shisheeye buux dhaafiyeen oo laynagu soo qamaamay oo khayraadkii badeena la gurto maalin iyo habeen walba.Kol hadii arin sidan yahay sow xaq maha in badeenii ina habaarto oo habaarkeedii inagu dhaco aan caasinay kana diidnay in aan ka qaadano waxay inoo hayso ee shisheeye isugu habar wacday?

Labada badood ee ilaah inasiiyay dhulkeena in aan gaajo u dhimanaa waa ka baa ir iyo danbi wayn oo aan ka galayno dhulkeena xaqmaha in gaajoono mana aha mid rabi inoo keenay ee waa mid ah caasinimo dhuleed iyo kasmo xumo jaahil.kaluun baa xeebtayda daadsan ana kaajaan u dhimanayaa waa ceeb iyo badawnimo halkii u danbaysay. dhamaanshaha inan gumeedku dhamaanayo waa mid la xariirta isaga fikir la aantiisa iyo isticmaal la aanta maskaxda eebe siiyay ee uusanba ka shaqaysiinayn saacad qudha. dalal faqri ah dhul ahaan ayuu duunayaa in ay usoo gurmadaan oo quudiyaan isagoo leh dhulkaa hodanka ah hadaba kuma khaldani in aan iraahdo kani waa mafakare yaableh oo ah dhulkiis caasiye waynaaday.

Hadaan kasoo haro canaanta wax is tusaalaynta iyo habarwacashada dadkayga soomaaliyeed,suaal baan ku khatimayaa oo ah maxaa xal ah?

1.In aan dhulkeena aan caasinay waydiisano cafis.Kadib waxaa inala gudboon in aan dhisano 3 shirkadood ama hay adood ama wasaaradood oo kala ah sidan hoos ku qoran.

A. Wasaarada kaluumaysiga

B. Wasaarada beeraha

C. Wasaarada xanaanada xoolaha

Wasaarada beeraha waxa laga rabaa in ay dugsi quranka, jaamacaadka,xanaanooyinka iyo dugsiyada hoose dhexe iyo saraba iyo dugsiyada farsamadaba kasamayso goob cunto oo bilaash ah si loo kobciyo maskaxda mustaqbalka jiilasha soomaaliyeed.shaqaalaha wasaaradahana sidoo kale in laga sameeeyo oo laga qaado iyaga bishii waxaan culaysin mushaharkooda. si ay u helaan xoog ay ku shaqeeyaan.maqaalkaa ila dheeraan hadaan mid mid ukala dhigo sadexdaa wasaaradood shaqadooda aan uga baahanay sidaa daraadeed waxaan ku soo gunaanadayaa. dadka soomaaliyeed waxaa loo abuurayaa oo ay u baahan yihiin in boqolkiiba lixdan 60% u shaqa tagaan oo loomaal galiyo sadexdaa wasaaradood tanoo keenaysa oo aan hubo 100% in intay soomaalidu baahi baxdoo dhargaan oo kayd rasmi ah yeeshaan hadana ay aduunyada kale u iib geeyaan wax soosaarkooda oo ay noqdaan dawladaha u gurmada meelaha aduunka ay ka jiraan abaar iyo gaajo iyo macaluul.

Markaasaa dhulkeenu aqbalayaa cifiskaan waydiisanay oo inoo ducaynayaa inaguna farxayaa dhulkeenu kadib ayaa rabina raali inaga noqon oo uu jeclaysan sida aan uuga faa iidaysanayno waxa nicmo ah ee uu ina siiyay. ayadoo loo eegayo wasaaradaha aan kor ku xusay qofkasta oo soomaali ahi 3 ma waayi karo haduu waayana wasaaradaas shaqaalaheeda madaxda ah ayaa lakarbaashayaa.

1.qofkasta oo soomaali ah dalka gudihiisa dagan miyi iyo magaalo ma waayi karo caano.

2.qofkasta oo soomaali ahi dalka gudihiisa dagani mawaayi karo masago galay iyo khudaar uu cuno

3.qofkasta oo soomaali ahi oo dagan dalka gudihiisa ma waayi karo kaluun uu cuno oo noockasto leh

Ganaacsatada soomaaliyeed ha maal gashadaan wasaaradahaan dawladuna ha isku dhabar jabiso siday u heli lahaa yeen qalab iyo cid u tababarta shaqaalaha oo xirfad sare u leh 3 daa wasaaradood.waasaraduhu waa siin karaan qandaraas hoosaadyo shirkado gaar looleeyahay iyadoo wasaaradu ka filayso adeeg fiican.murugo kawayn malaha dal barwaaqo ah iyo dadkii lahaa oo aan shaqaba u dareerayn oo aan ka faa iidaysanaynin nicmadaas taasoo hada shisheeye u quuri waayay inay sii lahaadanba madama aysan garanayninba siday dhulkaan ugu noolaan lahaayeen oo uga shaqaysan lahaayen tanoo ay gaajo u dhimanayaan iyo macaluul.waa kaxumahay in aan ka dhashay gun mafakarto ah inkastoo aan rajo qabo oo aanan is dhiibayn waligay.

Waxaa Qoray:
Yuusuf Omar
Email: mashruuc5@hotmail.com

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: