Dhiso oo ha dumin dalkaada hooyo

Markii ay abuurmeen Jabhado ku abtirsada Qabaa’illo saldhig ka dhigtay Dowladaha deriska aan nahay gacanna ka helaya Dowlado kaloo shisheeye, waxaa dalka oo dhan ku kacay Dabeylo ay afuufayaan Dowladaha dowlado shar wadeen ah, waxaa dowladdii si toos ah uga hor yimid Saraakiishii Ciidamada Qalabka siday oo ka goostay kuna biiray Jabhadihii mucaaradka ahaa, waxaana loo furay Xafiisyo Siyaasadeed oo dibadaha ku yaala si ay u carqaladeeyaan wadajirka Qarankii Soomaaliyeed ee Xoogga badnaa.

islamarkiiba waxaa bilowday dagaal beeleedyo iyo dowladdii oo xirxirtay oo xabsiga u taxaabtay, sida Cumar Xaaji Masalle, Cusmaan Maxamed Jeelle, Ismaaciil Cali Abuukar, waxayna ahaayeen dhammaantood Wasiirro kawada tirsan golihii dhexe ee Xisbiga hanti-wadaaga.

Markii ay sidaasi ay dhacday gobollada oo dhan waxaa ka abuurmay Mucaarad dowladda kasoo horjeeda, waxaa kaloo jirtay heshiis dhex maray dowladihii Itoobiya iyo Soomaaliya kaasoo ku qotamay in laysu celiyo maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalladii 77-kii qolo walbo wixii ay nolol ku heyso.

Waxaa ka mid ahaa qodobadii lagu heshiiyey in mucaaradka kasoo horjeeda dowlad kasta ay kasoo saarto gudaheeda dib dambana aysan u abuurin Saldhigyo loogu soo horjeedo qarnnimada labadaas dowladood iyo dumintooda.

Markii uu hirgalay go’aankaas labada dhinac ay kala saxiixdeen ayaa Jabhadihii ay kamid ahaayeen SSDF, SNM oo markaasi xoog lahaa ayey midkasta waxay gaartay go’aan, SSDF waxay isu soo dhiibtay dowladdii Kacaanka ee dalka ka talinaysay sidaas ayeyna Hubkii ku dhigeen dhaqaalo iyo maalgelin badanna waa la siiyay laakiin, Jabhaddii SNM oo uu hoggaaminaayey Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ma yeelin sidii ay yeeshay Jabhaddii SSDF waxayna qaateen go’aan dagaal waxayna si indho la’aan ah oo neef gowracan geed kama waabta ah ay dagaal uga qaadeen magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Gabilay, Wajaale, Burco iyo dhammaan deegaannadii ay Jabhaddaas ku abtirsaneysay, waxaana si toos ah dagaal ugula hortagay Ciidamadii qalabka siday ee dowladda oo dhan walba weerar kaga qaaday hadday ahaaan laheyd Dhul iyo Cir intaba.

Jabhaddi SNM iyo Deegaannadii ay kasoo jeedeen waxaa loola dagaalay si naxariis darro ah iyadoo waxba loola harin waxaana ku baaba’ay Naf iyo Hanti badan, waxayna u carareen Shacabkii halkaas daganaa magaalooyinkii Qabri bayax iyo Harta sheekha waxana waxay usoo qaxeen Muqdisho iyo Soomaali inteeda kale.

Jabhaddii SNM iyagoo buuraha si gaadmo ah ugu dagaalamaya  dagaallada loo yaqaano ku dhufoo ka dhaqaaq ah ayaa waxaa soo baxay Jabhaddi USC ee gobollada dhexe taasoo hoggaaminaayey Jen. Maxamed Faarax Caydiid, jabhaddaasi waxay islamarkiiba goysay wadada dheer ee isku xirta Soomaaliya inteeda badan halbowlahana u ah nolosha iyo isu socodka waddanka Soomaaliya, waxay dowlladdiina goysay Waddooyinka aada jidka dheer xeebta ee aada Hobyo Illaa Xarardheere, Mudugta iyo Galgaduud bari xirririya, waxay kaloo Isbaarooyin dhigtay Dowladda wadd ada aadda gobollada Koonfureed iyo dhammaan waddooyinkii ka baxaayey magaalo madaxda ee aadaayey dhammaan magaalooyinka kale ee Soomaaliya isu socodkiina cirriiri ayuu galay.

Waxaa kaloo ka bilowday Caasimadda gudaheeda dil iyo baabuurro kala dhac, isbaarasho xad dhaaf ah iyo guriyaha oo layskala baxo.

Si kastaba hanoqotee dowlladdi kacaanka waxay maareyn weyday arrimahaas ka dhacaayey Caasimadda dhexdeeda oo markaas ay iyadu gacanta ku heysay.

 

Shirar hoose oo ay ku galeen waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaalada Muqdisho ayey ku gorfeeyeen oo ay isweydiiyeen inay raali ka tahay dowladda waxyaabahan ka dhacaya magaaladii ay iyadu gacanta ku heysay dowladda, waxaa kaloo dhakafaar iyo madax jab ku riday lacagtii Bangiga ganacsiga la dhigay oo meel ay Cirib iyo jaan la dhigay lawaayey oo ay biil ka waayeen Bangiga dadkii dhigtay lacagaha waxaana loo soo bixiyey dadkaasi waraaqo lagu sheegay in lacagtaasi lagu maalgeliyey dad aan aheyn kuwii iska lahaa, waxaana cadatay inay dowladu dhacday lacagtii dadku ay dhigteen lacagihii ganacsataddii  Soomaaliyeed ay Bangiga dhigteen, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘’ku qabatay iyo qadarta rabbiba waa laqaataa’’ waxayna iradda ka baxeen odayaasha iyagoo ka faramaran lacagtoodi Bangiga u tiilay xitaa biilna ka waayey ayaa waxay kusii kaftameen dhac dadban ayaa nagu dhacay lama canaanto ayaa caanihii naga daadshay ee I naga keenna ayey isku siraysteen.

Waxaa taa raadkeedi baabi’iyey oo jabhadihii mucaaradka ahaa oo jiidanaya beelihii Soomaaliyeed gadaalna ay ka fadhiyaan ganacsatadii xoolahooda la dhacay iyo qabaa’iilladii wasiirradooda la xiray ayaa waxaa soo dagey hareeraha caasimadda Cutubyo iyo Guutooyin mucaarad ah waxaana subax Axad ah dhammaadkii bishii December 1990kii ayaa waxaa ka dhacay Kacdoon shacab wuxuuna ku baahay degmooyinka Caasimadda oo idil.

Si kastaba hanoqotee 26 janaayo 1990kii ayaa looguu soo daaday darbigii madaxtooyada ku wareegsanaa ee looga talinaayey qarannimad Soomaaliya madaxweynihii muddada 21 sano ka talinaayeyna isaga huleelay dalka.

Markii ay lawaregeen mucaaradkii gobollada intooda badan talo ma maareyn maamulna ma dhisin waxaana abuurmay kooxo kale oo bililiqo doon ah, halmar ayaa meelihii danta guud oo dhan xabbadda isqabsatay waxaana burburay ilihii nolosha oo dhan sida biyihii, korontadii, caafimaadkii, waxbarashadii iyo dhammaan adeegyadii bulshada ee aasaasiga ahaa, waxaa go’ay waddooyinkii isbaarooyinkii ayaa batay, dhacii ayaa sii siyaaday, xaafadihii ayaa laysugu galay waana la kala qaxay oo Dameero ayaa la rartay macluul iyo rafaad ayaa ummaddii ku habsaday amni iyo nolol intaba waa laga rajo dhigay, qof kastaana meeshu wajiga saaray ayuu u dhaqaaqey.

Haddaba, Ummadda Soomaaliyeed iyadoo soo martay arrimahaas argagaxa leh sow ma wanaagsana inay wax ka barato Jaamacadda sooyaalka adduunka silsaladdan midba mid usoo dhiibtay maalmaha kala duwan, waxaa haboon in dib u milicsato waayaha la kulmay  ee  ay keentay qabyaaladda iyo burburka dowlad la’aanta ka dambeysay, soo in lala taliya ma ahan qof kastoo wax duminaya loona sheego in dumintu ay sahalan tahay balse dhisiddu ay dhib badan tahay.

Waxaa wax laga xishooda ah in Ummadda aad ka dhalatay iyo diintaada cadow kuu adeegasado, samirka ayaa guul lagu gaaraaye dib ugu noqo diintaada iyo sharfkaada Soomaalinimo.

Soomaalidu waxay tiraahdaa Samra sad mawaayo Ilaahay wuu jacel yahay ruuxa samra waliba asigoo aarsan kara oo fiiriya amarka ilaahay iyo aayadihiisa uu kaga hadlay samirka iyo wanaagga laga dhaxlo, guusha iyo horumarku samirka iyo dulqaadka ayuu kujiraa, waxaa talo iyo dardaaran kaaga dhigaynaa qof walboo qasaya nidaamka hadda jira walaal hadumin dalkaaga ee dhis diintaaduna ku dhaqan, ilaali Calankaaga iyo Ciiddaada cidna kaama lahee sidaasi wax u ogow.

W/D: Abwaan C/salaan Axmed Gabeyre





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline