Dhismaha Baarlamaanka cusub, dhimashaa ii dhaanta!!!!

Ilwareed Online –

Aad & aad ayaan uga soo horjeedaa dhismaha Baarlamaaka cusub ee maanta 10/3/2018 ay kala saxiixdeen Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Dowlada Turkigu, weliba waxaan rabaa, in aan toos goobta u hor istaago una diido ,tabaru inteey i gaarsiisaba, waxaa iiga muuqda dhibaata ka weyn dhismaha cusub oo igu khasbee falkaa .

Waa haddii la burburinayo dhismihii hore ee baarlamaanka, waa xarun taariikhi ah, waa halkii ugu horeeysay ee 1960 kii calan Somali laga taagay. Weliba halkii calanka la suray weli waa taagan tahay, dhismaha qayb ayaa dhulka ku jirto, haddii la rabo waa la dayac tiri karaa oo sidiisii hore ayaa lagu celin karaa. Ama sidiisa ayaa loogu dhaafi karaa taariikh ahaan, sida caalamka kaleba ka dhacdo.

Turkigu ma ogola in hal dhagax oo taariikhi ah dalkooda laga burburiyo, dhul kuma yaro aagaa,halka lagu fidinayo waxaa u badan gurya dadweyne, dhul kaa ka weyn waxaa laga heli karaa dugsiga yassin cusmaan ee ka soo hor jeeda.

Haddii la bur buriyo maxaan caruurteena ugu sheekeeneynaa? Haddii kuwa qandaraas qaatay ay jiraan damacoodu yuuna na taariikh tirin, waan soo dhaweyneynaa in baarlamaan cusubla dhiso ,laakin kii horaa la duminaa waa taariikh beel. Madaxdu ha fikireen Laba jeer, taa dagaal ayaan ka jirnaa!!!!.

Haddiise ay madaxdu saa u fahmeen oo dhinaca qorax ka soo bax laga dhisayo waan soo dhaweyneeynaa.

Dambi ka weyn oo ummad laga galo ma jiro, in la bur buriyo taariikhdii xoriyadooda.

FG: Fadlan intii illa qabto arragtidaa waan soo dhaweynayaa, intii arrintaa wax ka qaban kartana waan soo dhaweynayaa,khalad waa dhacaa madaxduna waa sixi karaan, taladiinana diidi maayo,ha fududeysan arrintan, Mahadsanid.

Qore: Yahya Amir.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline