var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dhaqdhaqaaq ka socda xarunta Villa Somalia

Ilwareed Online –

Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq aan caadi aheyn, iyadoo dhinaca ammaanka si weyn loo adkeeyay isla markaana ciidamo fara badan la dhigay hareeraha madaxtooyada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay socoto qabanqaabada magacaabista Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan taasi oo la filayo in goor dhow lagu dhawaaqo.

Magacaabista ayaa la sheegayaa inuu ku dhawaaqayo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali kheyre Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo horay xilka looga qaaday, halka kuwo kalena ay iyaguna horay iska casileen xilalkooda kuwaasi oo jagadii ay banneeyeen loo magacaabayo xubno cusub.

Dhinaca kale warar kale ayaa iyana sheegaya in magacaabista Wasiirada cusub looga dhawaaqayo shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada.

Jawiga xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa ka duwan sidii hore, iyadoo loo diiday inay galaan madaxda iyo saraakiisha ciidamada Dowladda ka tirsan, inkasta oo loo ogol yahay xildhibaanada, Wasiirada iyo saraakiisha qaabilsan madaxtooyada.

 



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

You might also like More from author