var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka soconaya Baay iyo Bakool

#Ilwareed Online – #

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee Gobolada Gedo, Baay iyo Bakool ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab ee ka socda Goboladaas.

Taliyaha Ciidamada Millitariga Soomaaliya qeybya 60-aad General Ibrahim Yarow ayaa wuxuu sheegay in ay fulinayaan amarka Madaxda Qaranka, kaasi oo ah in dagaal lagu qaado Shabaab.

Wuxuu sheegay maalmahan dambe in dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka socdaan Gobolada Gedo, Baay iyo Bakool, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay dhibaateeyaan shacabka taasina aysan marba u dulqaadan doonin.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu bilowday dagaal ka dhan ah Shabaab, kaasi oo looga saarayo guud ahaan dalka.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : #ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: