var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dhalinyarooy ma ogtihiin Labadan qodob….?

Ilwareed Online

XUDUUDAHA SOMALIA:

Shirkii Hogaamiyayaasha Afrika ee Adis ababa 25 May 1963 ee lagu aasaasay Ururkii Midowga Afrika – OAU, ajandaha waxaa ka mid ahaa Aqoosiga xuduudihii Isticmaarku ka tagay-Md.Adan Cabdulle waa diiday in uu saxiixo Axdigaa,isaga oo yiri: Gobalo wadankeeyga ka mid ah ayuu gumeeysigu raaciyay wadamada aan deriska nahay, mana aqoonsan karo xuduud beenaadkii isticmaarka laga dhaxlay.waxaana ii diidaya waxa ku qoran dastuurka ummadda ee la ii xilsaaray in aan ilaaliyo . Shirkaa oo ay ka qayb galeen 32 hogaamiye.

Md. Adan Cabdulle waxaa uu hore u tagy magaalada Accra ee wadanka Ghana bishii Oktobar 1961dii,si uu taageero ugu helo qaliyada dhulalka ka maqan, baaqii Md.Adan Cabdulle iyo madaxweeynihii Ghana Md.Kwama Nkruma ay soo wada saareen, waxaa ku qornaa in Ghana ay aqoonsantahay Mideeynta Somaliweeyn. Fiiri sawirada 2&3aad.

Qofkii aad wax u wakiilato wax kasta wakiil kaagama ahan, Dastuurka waxaa ku jira Qodobo uuna baarlamaanku wax ka badali Karin oo u baahan Afti dadweeyne.Dastuurku ma ahan qur’aan lagumana matali karo , waa heshiis bulsho, qodobada qaar waxaa badali kara baarlamaanka, qodobada qaarna waxaa lagu bedeli karaa Afti dadweeyne oo kaliya.( waxan maqlayay beyahan dad leh calanka iyo waxyaaba kale ayaa la badalayaa, waa war suuq aan sharcigu ogoleeyn , illaa Afti dadweyne la helo).

Kuwa la badali karo( flexible) iyo kuwa aan la badali Karin afti la’aan –(Rigid) waxaa ka mid ah: lama ogola in la qeybiyo dalka Somalia,Calanka & Astaanta wadanka ,in la dhumiyo muwaadin Somali ah ama dowladu iska hilmaanto qayb ama gobal dalka ka mid ah oo laga aamuso sharcigu ma ogolo Afti la’aan in la bedelo ilaa muwaadin kasta uu codkiisa ka dhiibto, adiguna waad ku jirtaa kuwa codka leh.Dastuurka hadda jiraahi waa KMG,wixii lagu murmo ama laga waayo waxa uu sharcigu qabaa in loo noqdo kii 1961dii, kan hadda sharciyadiisu ma dhameeys tirna illaa Afti loo qaado oo la diido ama la ogolaado,taasina waxa ay ku xirantahay dadweynaha aad adiguba ka mid tahay ee xaqa u leh codeeyntaa.

Waxaa la mamnuucay in Maabka soomaalida lagu muujiyo xariiq toosan dhinaca xuduudaha aan la leenahay wadamada deriska, waxaa lagu muujin karaa dibco kaliya,(.-.-.-.-.-.-) maanta dadka badankiisu taa ma oga , xataa xafiisyada dowlada waxaa lagu qoray maabka xariiq toosan waana qalad, xafiiska kaliya ee aan ku arkay maabka somaalida oo dhinaca wadamada deriska lagu muujiyay dhibco sax ah waa xafiiska gudiga la talinta amniga qaranka.Sidee dhibco loogu muujiyaa fiiri sawirka 1aad.

Waxaa kale oo jira, Principles of Somali politics ( Bayaan) mabaadii’da iyo qayimka dowlada.sida in la taageero halgamayaasha xuriyad doonka ah ee caalamka oo dhan. Dowladii kacaanka ee Maxamed Siyaad fiiri sawirka 4aad, iyada oo ilaalineeysa mabaadii’daa waxa ay ciidamo u dirtay wadama badan oo Afrikaan ah si ay u helaan xuriyadooda waxaa ka mid ahaa Angola , Mozambique ,Eritrea iyo kuwa kale,(( qaar ka mid ahaa ciidamadii wadamadaa ka soo dagaalamay ayaan aqiin)),waxaan taageernay waddama kale oo xuriyadooda u halgamayay sida Vietnam, Cambodia, Yaman iyo kuwa kale. Hohaamiyayaashii u dagaalamayay madaxbanaanidooda ,ama in ay ka xoroobaan dowlad xukun adag ee xamar looga furay xafiisyo waxaa ka mid ahaa: Melez Sanawi, Issias Afewerki a ,maxamuud xarbi iyo madaxdii ONLF waxa ay wada joogeen xafiisyadooda uga furnaa xamar,inta ay jirto mabaadii’daa ONLF waxa loo aqoonsanaa Gobanima doon.

Waxa kale oo jira qodoba kale sida in aan la aqoonsan xuduudaha isticmaarku ka tagay, oo ay jirtay territorial integrity.

AFTI DADWEYNE:

Wadanka waxaa ka dhacday Afti dadweeyne June 1961, wixii ka soo baxay waxaa lagu bedeli karaa oo kaliya Afti kale.waxa ayna u dhacday sidan:

Xisbigii gobalada waqooyi ee Somali National League (SNL) waxa uu ku taliyay in aan laga qayb gaadan cod bixinta, taa oo keentay in 100.000 cod ay diidaan .

Haddii aan fiirino Sideedii Gobal sida looga dhiibtay Aftidii dadweyne ee Bishii June 1961.Hargeesa: ogol 45% diiday 54.63%. cod xumaaday 0.37%. Burco: ogol 51.15% diiday 48.81%, Cod xumaaday 0.04%. Banadir: ogol 91.01%,diiday 8.71%. Jubada Hoose: ogol 95.31% diiday 4.37%. Jubada Sare: Ogol 98.58%, diiday 0.58. Hiiraan: ogol 37.64%, diiday 68.99%, Mudug: ogol 88.18%,diiday 10.88%. Majeerteenya: ogol,92.84%, diiday 6.95%.

Guud ahaan Tira koobkii codbixinta dadweeynaha ee Dastuurkii somalida (constitutional referendum) ee 20kii June 1961dii. Ogol=1,756,216 (90.58%). Diiday =183,000 (9.44%). Cod xumaaday= 9,132. Wadarta guud 1,948,348.100%.

Mana jirin Afti dadweyne oo ka dambeeysay, illaa la helana qodobadaa asaasiga ah lama bedeli karo.

FG: ka raali ahaada qoraalka waan idinku dheereeyay, Aragtidaadu waa muhim, waad dhaliili kartaa qoraalkan, igana sax wixii aan khalday, ku dar wixii aan ka tagay. Mahadsanid.

Qore: Yahya Amir



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: