var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Dhalinyaro Soomaali Ah oo Lagu Xirxiray Stocklom Ka Dib Markii Lagu Eedeeyey

Ilwareed Online –

Booliska magaalada Stocklom ayaa soo qabtay sadex dhalinyaro soomaali ah, kuwaasoo looga shakinsan yahay inay ka danbeeyeen fal kufsi wadareed ah oo ka dhacay agagaarka Barkarby ee magaalada Stocklom Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Sweden.

Sida ay boolisku sheegeen, dhalinyaradan soomaalida ah ayaa loo badinayaa inay yihiin kuwii falkaas kufsiga ah ka danbeeyay, iyaga raaciyay in la hayo cadeymo dhowr ah oo isku xiraya falka kufsiga ah iyo dhalinyaradan soomaaliyeed.

Sadexdan wiil oo ay boolisku qabteen oo magacyadooda aan la shaacin ayaa ayaa da´ ahaan kala jiro 16, 17 iyo 18-sano, dhamaantoodna ma heystaan dhalashada Sweden.

Saraakiiisha booliska ee falkaas baaritaanka ku haya, ayaa qorayo in la hayo cadeymo sheegaya in dhalinyaradaas ay yihiin kuwii dhabta ahaa ee falkaas ka danbeeyay.

Qareenada u doodaya dhalinyaradan ayaa sheegay in sadexdan wiil aysan ka danbeyn falkaas, iyaga oo iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxayna intaa ku dareen in cadeymaha boolisku sheegayaan ay yihiin kuwo aan lagu kalsoonaan Karin.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: