Degmadda Warshiikh oo doorasho xaq iyo xalaal ka dhacday

Warshiikh oo Cagta Saartay Wadadii Guusha, Doorasho Xor, Xaq iyo Xalaal ah oo ka Socoto Degmadaasi

Isbadal ku saabsan dhanka Maamulka ayaa xilligaan ka soconaya Degmada Warshiikh, hannaankii duugoobay ee ku aadanaa dhinaca magaacabista ayaa laga guurayaa, hogaan cusub oo ku yimid doorasho ayaa la filayaa inuu dhawaan la wareego Guddoonka Degmadaasi.

Indhaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilligaan Warshiikh ku soo foorara! Doorasho Dimoqoraadi ah oo heerkoodu aad u sarreeyo ayaa ka dhacaysa halkaasi, doorashadii xubnaha Golaha Deegaanka {Councel} ayaa haatan lagu guda jiraa.

Warshiikh ayaa noqonaysa Degmadii ugu horyesay ee ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle oo yeelata Gole Madax-bannaan oo si Dimoqoraadi ah lagu soo doortay, Golahaasi oo ka kooban 21 xubnood ayaa idilkood ku imaanyo doorasho, wakiiladaasi ayaa iska dhex dooran doono Guddoomiyihii Degmadaasi.

Wasaaraddaha Arimaha Gudaha Federaalka iyo tan Hirshabeelle ayaa si diirran u soo dhaweeyay doorashada ka dhacaysa Warshiikh, waxayna ku bogaadiyeen dadka Degmadaasi sida nabadgelyada leh oo ay u dooranyaan madaxdii hogaamin laheyd Degmadooda.

“Waa arin taariikhi ah in Degmada Warshiikh ay yeelato Gole Deegaan (Councel) u gaar ah, kuwaasi oo si toos ah ugu coddeyn doono maamulka Degmadaasi oo dhameystiran” ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Md, Maxamed Axmed Caadle oo caddeeyay Warshiikh inay ku dhaqaaqday talaabo ku daysho mudan.

Waa u sharaf reer Warshiikh inay Degmadoodu noqoto Degmadii Koowaad ee yeelata Gole Deegaan oo la soo doortay.

#Hambalyo_Warshiikh

Shiikhaalow





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline