Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Degmada Raageceele oo Guddoomiye cusub yeelatay (Sawirro)

Ilwareed Online –

Gudoomiyaasha cusub ee maamulka degmada Raage cele ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka Mudane Cumar Cali Nuur ayaa maanta xaflad balaaran oo lagu qabtay degmada Raage ceelle xilki ugala wareegay gudoomiyihii hore Yuusuf Beladgube.

Xafalda xil wareejinta ayaa masuuliyiintii ka qeyb gashay waxaa ka mid ahaa xubno ka kala socday dowladda federalka ah dowlad goboleedka Hirshanlbele maamulka gobolka shabeelada dhexe.

Gudoimiyihii hore ahaana duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dheer ka jeediyay xaflada ayaa carabka ku dhiftay in degmada Raage ceele la xaqiray.

Wuxuu sheegay in dowladii dhexe ee uu hogaaminayay alaha u naxariistee Siyaad Barre ay Raage ceelle degmo u aqoonsatay 1990ki laakiin hoos la galiyay diiwaankeedii wixii ka dambeeyay burburkii ku dhacay dalka.

Sidoo kale gudoomiyaha maamulka gobolka shabeelada dhexe ayaa ka codsaday maamulka cusub in horumarka degmada ay ka shaqeeyaan maadaama degmada ay tahay mid curdun ah oo u baahan in xaquuqdii ka maqneyd mudada sodonka sano ah ay dib u hesho.

Gudoomiyaha cusub mudane Cumar ayaa balan qaaday in isbedel dhab ah ay la imaan doonaan ayna ka shaqeyn doonaan horumarka degmada isagoo ka codsaday shacabka ku dhaqan degmada in ay kala shaqeeyaan horunarka.

Dhanka kale yabooh masuuliyiintii maanta ay aameeyeen inta ay socotay xaflada ayaa lagu yaboohay lacag kor u dhaafeysa $30.000 doolar, taasi oo lagu daboolayo baahiyaha asaasiga ah ee ay degmadu qabto.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...