DEGDEG: Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho kaddib markii qarax loogu xiray gaarigiisa

Bartamaha degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka dhacay qarax gaari uu watay mas’uul Xildhibaan ah, kaasi oo geystay qasaarooyin kala duwan waxaana daqiiqado kaddib goobta gaaray ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xildhibaan C/Weli Maxamed Ibraahim oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa mid loogu xiray gaarigii uu watay xilli uu marayay mid ka mid ah waddooyinka degmada Xamar Weyne.

Saciid Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Telefishanka Universal uga warbixiyay qaraxa, isagoona sheegay in qaraxaasi uu ku geeriyooday Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba qof kale oo rayid ah.

Qaraxa oo dhacay casir liiqii galabta ayaa waxaa goobtaasi isku gadaamay ciidamada Booliska, halkaasi oo ay ka bilaabeen baaritaano la xariira cidii ka dambeysay, mana jirto ilaa iyo iminka cid sheegatay inay ka dambeysay, inkasta oo ururka Al-Shabaab uu qaraxyo noocaan ah la beegsado madaxda, saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline