var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

DEGDEG: Toogasho ka dhacday magaalada London meel ku dhow dhismaha Baarlamaanka

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad ku sugnaa meel dibadda ka ah Baarlamaanka dalkaasi.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Booliska iyo wakaaladaha wararka caalamiga ah rasaasta ayaa lala eegtay saldhig ciidan oo halkaasi ka dhowaa, iyadoo la sheegayo inay ku dhaawacmeen dad tiradoodu ka badan tahay 12-ruux.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan inay jiraan dad ku geeriyooday rasaastaasi, inkasta oo aan weli la caddeynin tirada rasmiga ah.

Ciidamada ammaanka ayaa ku soo qulqulaya halka ay rasaasta ka dhaceyso, waxaana idiin soo gudbineynaa hadba wixii warar ah ee ku soo kordha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.