var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

DEGDEG: Qarax qasaare geystay oo ka dhacay magaalada Bankok

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Isbitaal Milateri oo ku yaala magaalada Bankok, kaddib markii uu qarx ka dhashay goob laga hago korontada Isbitaalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ay isugu jiraan dhimasho iyo dhaawac, iyadoo gaadiidka gurmadka caafimaadka iyo boqolaal dadweynaha Thailand ay u gurmanayaan halkaasi.

Ciidamada ammaanka dowladda Thailand ayaa ciidamo iyo gaadiidka gurmadka u daabuleysa Isbitaalka lagu magacaabo Phramongkutklao oo ah halka uu qaraxa ka dhacay.

Dhinaca kale xarunta isbitaalka oo ka kooban dhowr dabaq ayaa laga daad gureynayaa dadkii ku jiray, ilaa iyo iminkana lama oga waxa qaraxaasi sababay, inkasta oo ciidamada ay weli wadaan baaritaano.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: