var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

DEGDEG: Qarax qasaare geystay oo ka dhacay degmada Balcad

Qarax khasaare geystay ayaa waxa uu ka dhacay Degaan 7 KM u jira Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Gobolkaasi.

Qaraxan ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay kolonyo galbineysay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo ka soo baxay Degmada Balcad, kuna sii jeeday magaalada Jowhar.

Qaraxa oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay mid ka mid ah Gawaariga dagaalka oo ay Ciidamada wateen, sida uu Risaala u sheegay sarkaal ka tirsan wafdigan.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in uu gubtay Gaarigii Qaraxa uu haleelay, halkaasina uu Dagaal kooban ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Dagalyahano ka tirsan Shabaab.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxa ku dhintay 1 Askari, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, inkastoo ilaa hada aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxan.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: