DEGDEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Saybiyaano ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Goor dhow Halkaasi laga maqlay Qarax.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhex dhacay Guri ku yaalla Xaafadda Saybiyaano.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.